Agabta waxbarashada ee ku saabsan bulshada Iceland
Ku cusub Iceland
Agab waxbarasho oo fudud oo wax ku ool ah oo loogu talagalay in lagu taageero dadka si ay u helaan waddadooda nolosha maalinlaha ah ee Iceland iyo si loo fududeeyo ka qaybgalka bulshada, ha noqoto xiriirka suuqa shaqada, waxbarashada, daryeelka caafimaadka, dugsiyada ama xiriirka hay’adaha dawladda.

Koorsooyinka
Agab waxbarasho oo ku jira siddeed koorso oo daboolaya dhinacyo kala duwan oo ka mid ah bulshada Iceland, xuquuqaha, mas’uuliyadaha, iyo caadooyinka.
1. HORDHAC / WARBIXIN GUUD OO KU SAABSAN DALKA ICELAND
Salaan diirran, kuna soo dhawoow koorsada loogu talaggalay dadka ku Cusub Iceland. Halkan waxaad ka heli doontaa warbixin ku saabsan…
2. KU CUSUB DALKA ICELAND
Það getur verið flókið og krefjandi að flytja á milli landa og menningarheima. Oft tekur tíma að læra á nýtt…
3. Guriyaynta
Haddii aan kiraysanayno iyo haddaan guriga leennahayba, helitaanka goob sugan oo lagu noolaan karo waa lagamamaarmaan. Cutubkani wuxuu ka hadlayaa…
4. QOYSKA – CARRUURTA IYO DHALLINYARADA
Dad badan oo naga mid ah ayaa isku raaci lahaa in aanay jirin wax ka muhiimsan qoyska. Dalka Iceland, qoysasku…
5. Daryeelka Caafimaadka
Nidaamka daryeelka caafimaadka ee Iceland wuxuu ka kooban yahay xarumo daryeel caafimaad, isbitaallo, iyo dhakhaatiir takhasusi ah. Waa muhiim in…
6. Waxbarashada
Dalka Iceland, carruurta da’doodu u dhaxayso 6 ilaa 16 sano waxaa laga doonayaa in ay xaadiraan dugsi. Marka ay ka…
7. Shaqada
Ku-biirista suuqa shaqadu waa tallaabo ahmiyad weyn leh. Waxay ina siinaysaa fursad aan ku gaarno iskufilnaan dhaqaale, kaga faaiidaysanno xirfadaheenna,…
8. Maaliyadda
Iskufilnaanshaha dhaqaale wuxuu aasaas lamahuraan ah u yahay in aad ku noolaato nolol habboon, kaalin firfircoonna ku dhex yeelato bulshada.…

Waa maxay Ku cusub Iceland?
Halkan waxaad ka heli kartaa agab waxbarasho oo ka kooban siddeed cutub oo daboolaya dhinacyo kala duwan oo ka mid ah bulshada Iceland, oo ay ku jiraan xuquuqaha, mas’uuliyadaha iyo caadooyinka. Kani waa agab waxbarasho oo fudud oo wax ku ool ah oo loogu talagalay in lagu taageero dadka si ay u helaan waddadooda nolosha maalinlaha ah ee Iceland iyo si loo fududeeyo ka qaybgalka bulshada, ha noqoto xiriirka suuqa shaqada, waxbarashada, daryeelka caafimaadka, dugsiyada ama xiriirka hay’adaha dawladda. Agabkan waxaa lagu soo saaray tixraac ahaan mareegta www.mcc.is, halkaas oo laga heli karo macluumaad dheeraad ah oo ballaaran.
Ku baro xawaarahaaga
Dhammaan agabka koorsada waxaa lagu dhammaystiri karaa onlayn iyada oo loo marayo is-barasho, taas oo u oggolaanaysa ka qaybgalayaasha inay wax ku bartaan xawaarahooda iyo mar kasta oo ay ku habboon tahay. Agabka waxaa loo soo bandhigay si cad oo wax ku ool ah, oo leh muuqaallo, layliyo iyo macluumaad faa’iido u yeelan kara nolosha maalinlaha ah. Ujeedadu waa in la xoojiyo madax-bannaanida, kalsoonida iyo ka qaybgalka dadka soo galootiga ah iyo in kor loo qaado ku dhex milanka bulshada Iceland.


Ma u baahan tahay taageero?
Haddii loo baahdo taageero dheeraad ah ama sharraxaad, ka qaybgalayaashu waxay had iyo jeer la xiriiri karaan shaqaalaha Agaasinka Shaqada. Koorsada waxbarashada madaniga ah waxay ku habboon tahay dadka dhawaan yimid Iceland iyo kuwa doonaya inay ballaariyaan aqoontooda hadda jirta.