Dalka Iceland, carruurta da’doodu u dhaxayso 6 ilaa 16 sano waxaa laga doonayaa in ay xaadiraan dugsi. Marka ay ka aflaxaan waxbarashada waajibka ah, inta badan dhallinyaradu waxay galaan dugsiga sare ama dugsiga farsamada si ay u ballaariyaan fursadahooda iyo aqoontooda, isla markaana ay u helaan waay’aragnimo dhanka nolosha bulshada ah.

Suuqa shaqada ee Iceland waa mid geeddisocod ku jira, kaas oo lamahuraan ka dhigaysa in aad sii wadato waxbarashada iyo horumarinta aqoontaada, iyadoo aan loo eegin da’da. Waa wax caadi ah in dadka waaweyn ee ku dhaqan Iceland ay dib ugu laabtaan waxbarashada ama ay si joogto ah u qaataan koorsooyin.

Cutubkan, waxaan ku sahaminaynaa, waxyaabo ay ka mid yihiin, qaabdhismeedka nidaamka waxbarashada, waxbarashada dadka waaweyn, qiimeynta shahaadooyinka ajnabiga ah, iyo fursadaha ay dadka soogalootiga ahi ku baran karaan afka Iceland.

Aan la isku qorin

Koorso Waxaa ka mid ah

  • 9 Casharro