Salaan diirran, kuna soo dhawoow koorsada loogu talaggalay dadka ku Cusub Iceland. Halkan waxaad ka heli doontaa warbixin ku saabsan bulshada Iceland oo ka kooban siddeed cutub oo aad u baran karto si ku habboon xawaarahaaga, islamarkaana aad dib ugu soo ceshceshan karto inta aad jeceshahay.
Ujeeddada koorsadu waa in la bixiyo warbixin fudud, itus-oo-itaabsii ah, oo si sahlan loo heli karo, taas oo kaa caawin karta tallaabooyinkaaga ugu horreeya ee bulshada Islaandiga ah, isla markaana taageeraya ka-qaybgalkaaga iyo ka mid noqoshadadaada bulshada.
Waxaan kugula talineynaa inaad booqato mareegta mcc.is inta aad qaadaneyso koorsada. Waxaad sidoo kale had iyo jeer la xiriiri kartaa adeegyada la-talinta ee Hay‘adda Shaqada haddii aad qabtid su‘aalo dheeraad ah.
Dhammaadka cutub kasta, waxaa ku jira laylisyo kooban oo aan rajaynayno inay kugu dhiirrigelin doonaan inaad hakad gasho oo aad dib-umilicsi samayso, waxaana laga yaabaa inaad nuxurka casharka ku dabaqado noloshaada gaarka ah.
Waa muhiim in maanka lagu hayo in xeerarka, adeegyada, iyo xaaladuhu isbeddeli karaan waqti ka dib. Sidaas darteed, waa muhiim in mar walba la raadiyo warbixintii ugu dambaysay ee kasoo baxda hay’adaha iyo ururrada mas‘uulka ka ah arrin kasta. Koorsadani waa hage iyo il taageero, laakiin macluumaadka rasmiga ah ee ka soo baxa hay‘adaha ay khusayso ayaa mar walba ah isha loogu kalsoonida badan yahay.
Waxaan rajeynaynaa in casharradani wax kuu taraan, oo ay kaa caawiyaan inaad si fiican u baratid bulshada Icelandic-ga ah.
